Sawiro: Hay’ada Al-Qalam Oo 280 Qoys Gargaar Raashin Ah Gaarsisay Barakacyaal Ku Sugan Baydhabo

0
238

Baydhabo (INO) —Hay’ada Al-Qalam Ee Ka Shaqeysa Arimaha Samafalka iyo Waxbarashada Somalia, ayaa deeq raashin ahayd maanta gaarsisay Qaar ka mid ah dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kasoo barakacay Degaanada iyo Degmooyinka gobolada  Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Qiibo ka mid ah Jubooyinka Oo ay Ka Jiraan Xerooyinka Barakacyaasha Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Qoysaskan dhibaateysan Ee la gaarsiyey Deeqda ayaa waxay gaarayeen 280 Qoys oo ku rafaadsanaa Kaamamka Idaale Weyn, Dolondoole iyo Sidoo kale Dad ka soo hayaamey abaarta iyo Biyo La’aanta ka taagan Degmooyinka Saakow, Jilib ,Degaanka Idaale, Garasweyne iyo Qiibo ka mid ah Gobolka Bakool Ee Koonfurta Somalia.

Qoysaskaan, ay Abaaruhu Saameeyeen, ayaa la Gaarsisiyay Deeqdaan oo isugu jirtay; Bur, Bariis iyo Saliid gargaarkan oo ahaa mid ku yimid qaylo-dhaan ay xiliyadii ugu dambeeyay Hay’ada Al-Qalam u dirtey Dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si ay uga qayb-qaataan caawimaadda loo fidinaayo dadka tabaaleysan.

Dadka Barakacyaasha ayaa  waxay sheegeen in ay baahida cunada ay uga daran tahay tan biyaha, taasina ay Wal-wal ku hayso. Deeqdan loo qiibiyey Barakacyaasha ayaa waxa Soo direy Muxsiniin ku dhaqan Gobolada Kiini, iyo Turkuu Ee Waqooyiga Dalka Finland iyo Sidoo kale Dalka Asturia .

Dadka Muxisiinta ah Ee ka damqadey walaalahooda dhibaateysan isla markaana wax Soo gaarsiyey waxa ka mid ah Sheikh Naasir Cad Ceed

Sheekh Ilyaas Cali Nuur  ayaa ugu Mahadceliyeey Walaalaha soo gaarsiyey Sadaqaas dadka Masaakinta ah Ee ubaahnaa waqti fiicana ay so gaarsiyeen.

Sheekh Ilyaas Cali Nuur , Madaxa Hay’ada Samafalka ah Ee Al-Qalam  ayaa baaq u diray gancsatada,  Qurbo Joogta Soomaaliyeed iyo Muxsiinta kale inay si buuxda uga qayb-qaataan samata-bixinta xaaladaha adag ee deegaanadan soo food-saartay.

Ugu dambeyn, Isku-soo-wada-duuboo xaaladda abaareed ee ka jirta  Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ah mid aad u baahsan, Taasoo Xaaladda Deegaanka uga sii daraya Maalinba maalinta ka  dambeysa.

Halkan Ka Daawo SAAWIRO