SAWIRO: Caasimada KGS Ee Baraawe Oo Si Weyn Looga Xusey Maalinta Haweenka Aduunka

0
240

Baraawe(INO)- Xaflad balaaran oo lagu maamusayay maalinta Haweenka aduunka oo ku aadan 8 March ayaa lagu Qabtey Magaalada Barawe Caasamada U Ah Dowlad Goboleedka Somaliyeed Ee Koonfur Galbeed  waxaana haweenku ay u abaal dagayeen maalinta ugaar ka ee 8-March,iyaga oo iskugu hambalyeynaya qiimaha maalintan oo sanad-kiiba mar ay xusaan haweenka.

Waxaa soo abaabulay munaasabaddaan Ururka hawenka Maryan Mukhtar Maxamed Maryan Barawe Gudoomiyaha Uruurka Haweenka Gobolka Shabelada Hoose Wxana Ku Taagyeerayey Barnamijka Dalbile Oo Kaalmada U soo Mariso Usiad Waxaana Ka Qeyb Galay Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Gudoomiyaha Gobolka Shabelada Hoose Sarakisha ciidamada Maamulka Degmada Magalada Barawe haween aad u badan oo ka kala Ganacasato.

Dadkii ka hadaly waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baraawe Fadimo Gaabow Isman iyo Gudomiyaha Magalada Barawe Aadan Omar Madoobe Ayagoona ku dheeraday Xuska Maalinta Habeenka.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabellada Hoose Maryan Mukhtar Maxamed Maryan Barawe ayaa hambalyo u dirtey Haweenka somaaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka Shabelada Hoose Ibrahim Adan Ali Najax ayaa Dumarka Ku Booriyeen In ay Isku Dhabar Adeegan.

Madoobe Nuunow Maxamed Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka abaraha Ahne Wasirka Xananada Xoolada iyo Wasiirka Bay.ada Macalin Maxamud maxamed Macalin Jiis Ayaa Goobta Hadalo Ka Jeediyey

Waxay fursad weyn u ahayd xafladani Haweenka kala duwan oo mudadii ay xafladu socotay samaynayay is dhexgal iyo afkaaro is weydaarsi.

Halkan Ka DAAWO Sawiro

Maxamed Aaden Aaden Socdaal
Idale News Online, Baraawe