Sawiro: Boqorka Malaysia oo Warqadaha Danjiranimo ka Gudoomay Danjire Nur Farah.

0
241

Danjire Nur Farah , ayaa intii munaasabadda ay socotay waxa uu gudbiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud  , isagoo bogaadiyay Boqorka Malaysia, una rajeeyay caafimaad qab iyo baraare , Xukuumadda iyo Shacabka Malaysia horumar iyo barwaaqo .

Dhankiisa , Boqorka Malaysia  Sultan Abdul Halim Mu’adzam Shah ayaa salaan gaar ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , isagoo u rajeeyay caafimaad qab iyo barwaaqo , Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliya  horukac nabadeed iyo horumar .

Waxaa kale oo Boqorka u rajeeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Malaysia guul iyo xil gudasho ammaan mudan , isagoo ku celceliyay dadaalka dowladda Malaysia ee ku aadan taageerida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee saaxiibtinimada leh ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Malaysia  , si loo gaarsiiyo heer  iskaashi xoogan oo dhinacyo badan leh oo ay wada saxiixdaan labada dowladood.

Munaasabadan oo uu ku wehlinayay Safiirka , Jibril Mohamed Osman oo ah Kuxigeenka Safiirka ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia , ayaa waxaa  goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Malaysia, agaasimaha hab maamuuska , saraakiil hab maamuus , agaasimaha Boqortooyada Malaysia iyo mas’uuliyiin kale , waxa ayna ku dhammaatay jawi reyn reyn leh.

 Idale News Online, Maleysia.