Sawiro: Arlaadi Aid Oo Daawooyin iyo Booyad Biyo ah Gaarsisay Isbitaalka Baydhabo

0
266

Baydhabo(INO)- Iyadoo Magaalad Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay uu ka dilaacey Cudurka Shuban biyoodka isla markaana Daawo iyo Biyo la’aan ka taagan Isbitaalka Degmada Baydhabo ayaa manta Ururka Gargaar Arlaadi Aid waxay isbitaalka Baydhabo ay gaarsiyeen 20 Kartoon Oo Daawooyin ah oo lagula tacaalayo Cudurka Shuban Biyoodka iyo Weliba Booyad Biyo Ah.

Munaaasabada Wareejinta Daawooyinka iyo Booyada Biyaha waxa  Joogey Wakiilka Hay’ada Arlaadi Aid Ee Gobolka Bay Ibrahim Axmed Ibrahim, Agaasimaha Guud  Ee Isbitaalka C/fataax Ibrahim Haashi, Gudomiye Ku Xigeenka Gobolka Bay ahna Madaxa Arimaha Samafalka Ee Gobolka Bay Cumar Maxamed  iyo Dad kale oo fara badan.

Agaasimaha Guud Ee Isbitaalka Baydhabo ayaa ka mahadceliey Deeqdan Daawooyinka ah Ee La Soo Gaarsiyey.

Ugu dambeyntii, Ururka Arlaadii Aid ayaa inta badan waxay ka qiib qaataan arimaha Bini’aadanimada Ee Soomaaliya isla markaana waxay dhoor jeer Cisbitaalka Baydhabo geeyeeen Agabyo Caafimaad.

Halkan Ka Daawo VIDEO