Baydhabo(INO)– Waxaa Galabtan aas loogu sameeyey magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Malaaq Isaaq Xasan Keerow (Malaaq Malabow) oo ka mid ah Malaaqyada sida weyn looga yaqaano Gobolada Koofurta Galbeed Soomaaliya, isla markaana wax badan ka geystey Qaranimada Soomaaliya iyo sidii dowlad rasmi ah ay u noqon lahayd.
Aaska Malaaqa waxaa ka qeybgalay Ku simaha Madaxweynaha KGS ahna wasirka Beeraha iyo WaraabkaMaxamed Xasan Fiqi, Gudoomiyaha Baarlamanka KGS C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi-galinta Bulshada Ugaas Xasan Cabdi, Maamulka Gobolka iyo Ka Degmada Baydhabo, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Kuwo KGS, Saraakiil, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo.
Malaaq Malabow Alle ha u naxariistee waxaa lagu xasuusan doonaa dadaalkii uu u galay nabaadinta dadka deegaanada KGS ku dhaqan ilaa iyo intii ay dhacday dowladdii hore 1991kii, xilligaasoo ahaa markii lagu caano shubay Iyo Dhismaha Dowlada KGS.
Ugu dambeyntii Malaaq Malabow iyo tiro kale ayaa maanta lagu diley Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaadey Hotel Dayax Ee magaalada Muqdisho.
Halkan Ka Daawo Sawirada Aaska
Xuquuqda Sawirada Wasaarada Warfaafinta KGS