Muqdisho (INO) -Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa isa soo taraayey barakac hadba marxalodo soo maraayey, kuwaasoo ka dhashey tacadiyadii dagaal qabiileedkii awoodda dalka Soomaaliya loogu loolamaayay, dilalka qorsheysan ee aan loo meel dayin, daruufaha dhaqaale xumo oo ay dagaaladu abuureen iyo tahriibka ama isxambaarka oo inta badan ay masuulka ka yihiin madaxda dowladda dhexe iyo maamulada jira. Dhibaatooyinkaas oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku habsadey waxay fursado siiyeen wadamadii dariska gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya oo ku taamaayey in ay mar un arkaan deganaan la’aan siyaasadeed iyo barakac u sahli kara in dagaal la’aan ay dalka Soomaaliya uga saaraan qariirada caalanka isla markaasna Soomaaliya ay noqoto mid ka maamulada ka jira dalalkooda oo sidaas lagu waayo qarankii Soomaaliya ee sharafta iyo awooda weyn ku lahaa qaarada Afrika, gaar ahaan Geeska Africa.
Dalka Soomaaliyeed oo Ilaahey u hibeeyey resources ama kaabayaal dhaqaale oo aan la koobi karin sida Badda, Xoolaha, dhul Beereed aad baaxad weyn, iyo Macaadinta noocyadeeda kala duwan ha ahaato kuwa dhulka hoostiisa ku jira iyo dushiisa saaran ayaa maanta dadkiisu uga qaxayaan siyaasad xumo ay maleegayaan cadow gudaha ah iyo mid shisheeye, kuwaasoo iska kaashanaayo burburinta haykalkii dowladnimo ee Soomaaliya isla markaasna eeganaaya dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed, hase ahaatee ayna muuqato maalinba maalinta ka dambeysa in dalka Soomaaliya uu gacanta u sii galaayo dowladaha shisheeye oo leh danahooda guracan.
Idale News Online