Kampla(INO)-Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Uganda. Ayaa daabacay in Maxkamad ku taalla Magaalada Campala ee Caasimada Uganda ay xukun ku riday La-taliyihii hore ee ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, Col. Benson Olanya.
Olanya. ayaa lagu xukumay lix bil oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu xaday shidaal loogu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Halkan Ka Akhriso Qoraalka Wargeyska News Vision
Sidoo kale go’aanka Maxkamadda waxa uu ka dambeeyay markii Sarkaalka uu qirtay inuu xatooyo ku sameeyay Sahayda iyo markii loo helay marqaatiyaal.
Qareenkiisa waxa uu Xukunka ku tilmaamay Xukun mid baadil ah oo laga badbadiyay.
Bilihii June iyo July ee sanadkii 2013 ayaa la sheegay inuu Olanya xaday 720 litir oo shidaal ah oo dowladda Uganda ay ugu talagashay howlgalka AMISOM.
Korneylka ayaa wajihi doona eedeymo kale oo ah xadgudub dhinaca bini’aadamnimada ah.
Idale News Online, Kamala, Uganda.