Nairobi ( INO)-Sida lagu daabacay Wargeyska The-Standard, Sarkaal horey uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa lagu Dilay, labo kalena waaa lagu dhaawacay Degaanka Shamu ee Dalka Kenya.
Sarkaalkaan oo u dhashay Dalka Kenya oo lagu magacaabi jiray Subira Sudi Mwangole ayaa ka soo goostay Xarakada Al Shabaab labada Bishii April kadib markii uu ka dhacay Weerarkii Cuslaa ee lagu qaaday Jaamacadda Magaalada Gaarisa.
Marxuum Subira Sudi Mwangole ayaa ka mid ahaa Muwaadiniin dhowr ah oo ka soo jeeda Dalka Kenya, kuwaasi oo tababaro kala duwan ku qaatay Xero ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab oo ku taalla gudaha Soomaaliya.
Weerarka lagu Dilay Subira Sudi Mwangole ayaa waxaa fuliyay ku dhawaad 10 Ruux oo ku hubeysnaa Qoryaha daran dooriga u dhaca ee loo yaqaano AK-47 xili uu ku sugnaa Guri uu ka dagan yahay Degaanka Shamu.
Sikastaba, Kooxihii ka dambeeyay falkaasi Dilk ahaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxsadeen goobta, iyadoona aan ilaa iyo hada jirin cid sheegatay mas’uuliyada Dilkaasi.
Idale News Online, Nairobi