Muqdisho(INO)— Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalacsiiyay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, horena ugaga soo goostay ururka Alshabaab waxana sarkaalkan loo xirey darajada Sareeyo Guuto.
General Maxamuud Xaaji Axmed Cali oo ku magac dheer Sheegow waxaa uu ka mid ahaa amiirada Alshabaab ee hore ugaga qeybgalay dagaalo badan oo ay dagaalyahanada Alshabaab ugaga soo horjeedeen dowlada Soomaaliya, hase yeeshee dhamaadkii sanadkii 2012kii ayuu General Sheegow oo wata ciidamo ka soo jeeda beesha Shiidle ee degta gobolka Sh/dhexe waxa ay ka soo baxsadeen ururka Alshabaab iyagoo isu soo dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Jeneral Sheegow ayaa xilligaasi lagu abaalmariyay derajada Gaashaanle sare isagoo ka mid noqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Hase yeeshee waxaa shalay goob fagaare ah lagu soo bandhigey Jeneraal Sheegow oo ay u xiran tahay darajada Sareeye Guuto.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegaya in dalacsiinta Sareeye Guuto Sheegow ay ku timid qancinta beesha Shiidle oo dhowaan carro ka muujisay xubnaha ay ka heshay maamul goboleedka Hirshabeelle iyadoo illaa iyo hadda xilalka ugu sareeya maamulka Hirshabeelle ay yihiin kuwo ay haystaan mas’uuliyiin ku abtirsada beelaha gobolka Hiiraan.
Dalacsiinta sarkaalkan ayaa waxaa ay ka mid noqonaysaa dalacsiin badan oo dhowaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u dalacsiiyay saraakiil ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.