Marka ( INO)-Col Cali Yuusuf Macallin Abaanduulaha Guutada 6aad ee Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose Al Shabaab-kii ka dagaalamayay ay u soo wareegeen Magaalada Muqdisho , gudahana ay u soo galeen.
Abaanduulaha ayaa tilmaamay in taasi ay ka dambeysay ka dib markii Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay ay ku soo jabiyeen deegaanadaasi Dagaalamayaasha Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Korneelka ayaa intaas ku daray in hadda ay damacsan yihiin Al Shabaab carqaladeynta Doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan dalka.
Muddooyinkii dambe Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxa ay Qaraxyo iyo weeraro khasaaro geysta mararka qaar ka fulinayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna hadalka Sarkaalkaasi ku soo beegmayaa xilli Hoteelada Muqdisho bilihii la soo dhaafay lala beegsanayay Qaraxyo oo Masuuliyadooda ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.