Cunna yari iyo sare ukac qiimaha quut daruuriga ayaa ka taagaan magaalada Xudur ee gobolka Bakool, kadib markii Alshabaab xireen waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaas uga yimaada dhanka Waajid iyo Baydhabo iyo Tayeeglow.
Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall ayaa sheegay in maciishada degmada ay aad u sara-kacday kadib markii xoogag ka tirsan al-Shabaab ay xireen labada waddo ee soo gala magaalada.
Wuxuu intaas ku daray in dhamaan waxyaabihii quutul-duruuriga ay qiimahooda meel sare u kacday, kadi markii magaaladaas uu gaari waayey wax raashin ganacsi ah.
Gudoomiyaha Bakool ayaa sheegay in arrintaan wax laga qaban doono isla markaana laga saari doono meelaha ay gobolka kaga harsan yihin Ururka al-Shabaab ee u sahashay in ay xiraan labada waddo ee soo galay Xudur.Shalay ayaa waxaa gobolka Bakool gaaray ciidamo deeraad ah oo ka socda Itoobiya, kuwaasoo la sheegay iney qeyb ka qaadanayaan sidii loo furi lahaa wadooyinka Alshabaab xireen.
Alshabaab ayaa isla shalay ciidamadaas la galay dagaal, kadib markii ay kala hortageen weerar dhabagal ah, waxaan afhayeenka howlagllada ururkaase sheegay iney dileen 5 ka tirsan ciidamada Itoobiya.
Idale News Online, Xudur.