Sarakiisha AMISOM oo ka qeyb galay Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay Degmada Qoryooleey

0
435

Qoryooleey (INO)—Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose, Maxamed Xaaji Cismaan oo la hadlay Idalenews.com ayaa kaga warbixiyay kulan amaanka looga hadlayay oo Degmadaasi ay ku yeesheen Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose, isagoo tilmaamay in kulankaasi diirada lagu saaray wax qabashada xaalada amaan ee Gobolka.

Isagoo sii hadlaya Maxamed Xaaji Cismaan ayaa waxuu tilmaamay in Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose uu qiray in amaanka Gobolka uu faraha ka baxay balse uu soo jeediyay in wax laga qabto.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey ayaa waxuu beeniyay in Weerar khasaaro geystay lagu qaaday Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose Duleedka Degmada Qoryooleey.

Hadalka Guddoomiyaha Qoryooleey eek u aadan in kulan ay ku yeeshren Degmadaasi Saraakiisha Ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda iyo Maamulka Gobolka Sh.Hoose ayaa waxuu imaanayaa xili xiisado colaadeed ay ka taagan yihiin qeybo  ka mid ah Gobolkaasi.

Idale News Online, Qoryoley