Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay Wariyayaasha ka howlgala Gobolka Hiiraan ee ku sugan Magaalada Baledweyne.
Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Baledweyne ayaa sheegay in Wariyayaasha ka howlgala Hiiraan ay ka qeyb qaateen nabadgalyada Gobolka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ammaanka Gobolka.
Goobta Shahaadooyinka lagu gudoonsiinayay Wariyayaasha waxaa ku sugnaa Saraakiil ka socda AMISOM ee Dowlada Jabuuti, Odayaal iyo masuuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kale xaadir ku ahaa Wariyayaasha ka howlgala Baledweyne ee u shaqeeya Idaacadaha, Telefishinada iyo qeybaha kale ee warbaahinta.
Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in wariyeyaasha shahaadooyinka la siiyey ay ku muteysteen dhabar adeyga ay ka sameynayaan dhanka Saxaafadda.
Idale News Muqdisho