Saraakiil Ajaanib ah oo baaritaan ka wada Xarunta CID ee qaraxyada lagu weeraray

0
199

Muqdisho(INO)- Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Xarunta CID ee Magaalada Muqdisho, waxaa goor dhaweyd halkaasi gaaray Saraakiil Ajaanib ah, kuwaasi oo baaritaan ka bilaabay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Saraakiishaan oo Cadaan ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa lix ruux, kuwaasi oo eegaya qaabka uu ku dhacay labada qarax ee gaadiidka loo adeegsaday.

Waxa ay cabiraad iyo Baaris ku hayaan Laamiga hormara xarunta CID ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah goobtii ay isku qarxiyeen labada Baabuur.

Ammaanka goobta oo si weyn loo adkeeyay, ayaa sidoo kale waxaa la sheegayaa inay halkaasi gaareen Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Taliyaha ciidamada Nabad Suggida Gobolka Banaadi iyo Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka.

Suxufiyiinta ku sugan goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegaya in ilaa hada madaxda Dowladda aysan Saxaafadda siin wax macluumaad ah oo ku aadan qaraxyada dhacay.

Saraakiisha Ajaanibta ah ee baaritaanka goobta ka wada, ayaa eegaya biraha gaadiidka bur buray, sidoo kale waxa ay meesha ka baarayaan kiimikamada gaadiidka qaraxyada loo adeegsaday.

Isu socodkii dadka iyo gaadiidka wadada KM4 ayaa xaniban, baabuurtana waxa ay marayaan wadooyinka dhexmara Xaafadaha dhexdooda.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.