Dowladda Kenya ayaa baaraysa warar soo baxay oo sheegaya in gabar ka mid ah dadka sida weyn loo doondoonaya oo looga shakisan yahay argegixisinimo lagu arkay magaalada Lamu bishii April ee sanadkan.
Gabadhan oo lagu magacaabo Samantha Lewthwaite oo loo yeqaano gabadhii garoobka ee caddaanka ahayd ayaa laga cabsi qabaa inay ahayd gabar boliiska Kenya ay geeyeen xadka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in gabar sheegtay inay la shaqeyso Qaramada Midoobay ay boliisku geeyeen xadka balse shaqaalaha waaxda socdaalka ay diideen inay xadka ka talaabto oo ay gaarto xero militari oo ay Kenyaanku leeyihiin.
Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in gaariga ay gabadhan adeegsatay uu yahay isla midka loo adeegsaday in lagu weeraro militeriga Kenya labo toddobaad ka hor, halkaas oo lagu dilay labo askeri.
Afhayeen u hadlay militariga Kenya ayaa sheegay in dowladda ay baarayso in gabadhaas ay ahayd Samantha Lewthwaite iyo in kale.
Xigasho. BBC
Idale News Online, Kenya.