Wargeyska The Mirror la yiraahdo oo ka mid ah wargeysyadda dalka Ingiriiska kasoo baxa ayaa qoray war sheegaya in Samantha Lewthwaite oo ah haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska taas oo si weyn loo doon doonayo ayaa waxay sheegen inay guursatay mid ka mid ah hogaamiyaasha Xarakadda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya waxaa sidaas qoray wargeyska The Mirror ee Dalka Ingiriiska.
Warkan uu qoray wargeyska laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa la sheegay in ilo lagu kalsoonyahay ay ka heleen inay haweeneydaan gudaha dalka Soomaaliya ku guursaday nin magaciisa lagu sheegay Xasan Macalim Ibraahim oo Shababka dhexdiisa looga yaqaan Shiikh Xasan kaasoo koox aad u hubeysan oo beeshiisa ah ku dhex leh Al-Shabaab.
Wargeyska ayaa in Samantha Lewthwaite ay hadda ku nooshahay dalka Soomaaliya gaar ahaan tuulo lagu magacaabo Nasable oo wax yar u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Haweeneydaan ayaa la sheegay in ninkan ay guursatay oo ka mid ah xarakada Al shabaab inay u guursatay si amaankeeda uu u sugo madaama baadi goob culus loogu jiro haweyyneydan oo markii u danbeysay kasoo dhexmuuqatay weerarkii ay xarakada al Shabaab ka fuliyeen Waste gate ee dalka Kenya kaas oo la sheegay inay ayada hogaaminaysay dagaalyahanadda Al Shabaab iayadoo cabsi ka qabto in shaqsiyaad Shabaab ku dhex jira oo hay’adaha sirdoonka reer galbeedka la shaqeeya ay soo sheegaan..
Haweeneydan Saygeedii ugu horeeyay ayaa la oran jiray Germaine Lindsay, waxaa la aaminsan yahay inuu ka mid koox ka dambeysay qaraxyo ka dhacay marinada tareenadda magaalada London sanadkii 2005,tii markaas kadibna waxaa la sheegaa inay mar guursatay hogaamiye Shabab ka tirsanaa oo u dhashay dalka Kenya magaciisa lagu sheegay Cabdi Waahid, ninkaan hadda la shaaciyayna waxaa uu noqonayaa Saygeedii Sadexaad.
Sarkaalkan ka tirsan xarakada Al Shabaab oo lagu magacaabo Xasan Macalim Ibraahim oo ay Shabaabku ugu yeeraan Sh, Xasan kaas oo la sheegay inuu hogaamiyo guutooyin ka tirsan dagaalamayaasha Xarakadda Al-Shabaab. Wargeysa ayaa sido kale lagu sheegay in haweeneydan oo ku nool gudaha dalka Soomaaliya marka ay banaanka usoo baxayso inay soo xirato dhar wada madow si ay u qariso midabkeeda Cadaanka ah waxaana ay soo baxdaa ayadoo aad loo ilaalinayo waxaa sidaas qoray wargeyska The Mirror.
Idale News Online.