Salaadiin Canbareeyey Shaqaaqadii Maanta Ee Baydhabo.

0
227

Muqdisho:Ayadoo maanta ciidamada AMISOM ay is hortaag kusameeyeen  odayaal ka qeyb geli lahaa shirka maamul usameynta gobollada Koonfur Galbeed Somaliya ayaa hadana arintaasi waxa si kulul uga hadlay qaar ka mid ah hogaanka maamul usameynta gobolladaasi.

Suldaan Cumar Xuseen suldaan  caliyoow Ibroow oo ka mid ah aas aasayaashii shirka Baydhabo ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu cambaareeyey shaqaaqadii maanta ka dhacday magaalada baydhabo.

Inkastoo Suldaankan uu yahay sdia la sheegey  mid taageersan seddex gobol ayaa hadana waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dajiyo xaalada sidii maamul nabad lagu dhisana la sameeyo.

Sidoo kale Suldaan Cabdi qaadir Suldaan Cabdullaahi oo isna hadlay sheegay inay muhiim tahay shir shacabku ku qanacsan yihiin in la sameeyo.

si Kastaba ha ahaate waxa isu soo taraya baaqyada iyo cambaareyn ku aadan  shaqaaqadii maanta ay geysteen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee Amisom ku  kala eriyeyeen  ergada shirka, kuwaaso mudo sanad ah u fadhiyey dhisimaha  maamulka koonfur galbeed soomaliya si loo helo xasilooni waarto guud ahaan gobolada KG soomaaliya.

ugu dambeyntii falkaasi  waxa sidoo kale cambaararey Baidoa Human righs Watch iyo dad badan oo galaan gal siyaasadeed ku leh gobolada koonfurta koonfur galbeed soomaaliya.

malaaqyada DM

Idale News Online,Muqdisho