Safiirkii Somalia ee Masar oo Qaahira ku Geeriyooday iyo Madaxweynaha DF oo ka Hadlay

0
196

Qahira(INO) — Danjirhii Somalia u fadhiyay Masar, ahaana ergayga Somalia ee Jaamacadda Carabta Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masra, kaddib xanuun lasoo  darsay.

Safiirkii_Somalia_ee_Masar_660

Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa wuxuu sidoo kale ahaa dublamaasi isku xira Somalia iyo dalalka Jaamacadda Carabta, isagoo warbaahinta caalamka intooda badan uga warbixin jiray xaaladda ay ku sugan tahay Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ka mid ahaa tiirarkii aasaaska u ahaa dublamaasiyada Soomaaliya, isagoo Illaahay uga baryay inuu Jannaadiisii Fardowso ka waraabiyo.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. ALLE ha u naxariisto marxuum C/llaahi Xasan Maxamuud wuxuu ka mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa dublamaasiyada Soomaaliya. Waxaa khibraddiisa u dheereyd dadaal gaar ah oo u ugu adeegayay Qaranka Soomaaliyeed muddadii aan burburka ku jirnay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa marxuumka uga baryay ALLE inuu naxariistii Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Ugu dambeyn, lama halka lagu aasi doono danjiraha oo ahaa siyaasi si weyn uga hadli jiray arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo waddamada Carabta ugu baaqi jiray inay dowladihii ka jiray Somalia gacan ka siiyaan sidii loo nabdeyn lahaa dalka.

Idale News Online, Qahira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here