Safiirkii dowlada Woqooyiga Kuuriya u fadhiyey Kuala-Lampur oo 48 saac loo soo qabtay

0
220

Kuala Lampur(INO)- Xukuumada Malaysia ayaa ceyrisay safiirkii dowlada woqooyiga Kuuriya u fadhiyey dalkaas, iyadoo loo qabtay inuu 48 saacadood kaga baxo wadanka.

Wasaaradda arrimaha dibeda ee Malaysia ayaa sheegtay Safiirkii waqooyiga Kuuriya Kan Chol uu noqday qof aan laga jeclayn dalka Malaysia sidaas awgeedna ay tahay.

Go’aanka masaafurinta ayaa ayaa yimid ka dib markii Danjiruhu diiday inuu tago Wasaaradda Arrimaha Dibedda Malaysia oo u yeertay, taasoo ka careysiisay masuuliyiinta dalkaas.

Arimahan ayaa salka ku haya dil sun loo adeegsaday oo dhowaan garoonka dayuuradaha Kuala Lampur loogu geystay nin la dhashay hogaamiyaha woqooyiga Kuuriya.

Kiiska dilka Kim Jong Nam ayaa xiisad Diplomaasiyadeed ka dhaliyey Dowladda Malaysia iyo Woqooyiga Kuuriya.
Laba dumar ah oo looga shakisan yahay dilka Kim Jong-nam, oo isku aabo ay yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un, ayaa lagu oogayaa dacwad ah dil bareer ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maleysia Jen. Maxamed Apandi Cali wuxuu sheegay in labadan qof oo ka soo kala jeeda Indonesia iyo Vietnam, si rasmi ah dacwadda loogu qaadi doono, iyadoo Haddii lagu helo inay dilkan ay wajihi doonaan xukun dil ah.

Kim Jong-nam, wuxuu muddo mucaarad ku ahaa qoyskiisa haya talada dalka Kuuriyada Woqooyi, waxaana la aaminsan yahay in walaalkiis Kim John Un oo ah madaxweynaha woqooyiga Kuuriya uu ka dambeeyey abaabulka dilkaas.