Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa shalay ku qaabilay xarunta Madaxtoyada Garowe Safiirka Talyaaniga ee Somalia Ambassador Andrea Mazzela oo booqasho ku gaaray magaaladaasi.
Xubno ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Talyaaniga iyo hay’adda UNOPS ayaa wehelinayay safiirka, waxana sidoo kale joogay kulanka masuuliyiin ka tirsan Puntland.
Socdaalka Safiirka Taylaaniga ee Somalia uu Garowe ku tegay ayaa salka ku haya sidii looga war qabi lahaa barnaamijyo hormarineed oo ay Talyaanigu ka wado Puntland, waxa uuna booqdo ku tegay masuulkaasi Wasaaradda Caafimaadka iyo warbaahinta Dowlada oo Talyaanigu ugu deeqay dowladda.
Xiriir wada shaqeyneed oo qoto dheer ayaa ka dhaxeya Puntland iyo Talyaaniga, waxana sidoo kale qayb ka yihin dhismaha garoonka diyaaradaha Bossaso.
Kama aysan hadlin mausuliyiintu imaatinka safiirka iyo kulankii dhexmaray Puntland.
Safiirka ayaa xalay ku hoyday Garoowe, iyada oo amaanka aad loo adkeeyay.
Idale News Muqdisho