Safiirka Somalia ee Uganda Eng Sayid Axmed Sheikh Daahir oo ka digey Masusaaqa Soo Xulista Barlamaanka

0
271

Dhageyso: [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/08/Sayid-Ahmed-oo-ka-digey.mp3]

Safiirka Somalia ee Uganda Eng. Sayid Axmed Sheikh Dahir, ayaa saxaafada caalamka uga waremey arrin musuqmaasuq siyaasadeed oo qaar ka mid ah madaxda Soomaalida ku sameynayaan xubnaha loo soo xulayo barlamaanka cusub gaar ahaam kuwa ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool.

Waxaa jirta cadeyn ah in Declaration form oo dhaar ah laga wada saxiixey odey-yaasha dhaqanka  beelaha Digil iyo Mirifle oo ku saabsan ineysan ku soo darin karin barlamaanka cusub haddiiba xubnahaasi ay isu soo taagaayaan xilka gudoomiyaha Barlamaanka oo isugu damaca kaga jiro haddii uu u arko in uu waayo jagada Madaxweynaha Somalia.

Sharif Xasan Sheikh Adan oo doonaaya in doorashada Madaxweynaha la soo hor mariyo ayaa haddii uu ku guul dareysto raba inuu mar kale u tartamo doorashada gudoomiyaha, waxuuma  odey-yaasha dhaqanka ka wada saxiixey declaration form oo dhaar ah taasoo uu ku doonaayo in haddii aan la soo hor marin doorashada Madaxweynaha uu markaas ka hor istaago in aan barlamaanka cusub soo galaan musharaxiinta ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ee dooneysa tartankaas iney ka mid noqdaan.

Idale News Online oo cadeynta arrintaas ku saabsan heshay ayaa dhowaan waxaan ugu balanqaadeynaa akhristayaasheena inaan ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigo fool xumada siyaasadeed ee Sharif Xasan Sheikh Adan iyo odey-yaasha dhaqanka oo aan siyaasada guud ee Somalia ku baraarugsaneyn iyagoo taageera ugu muujiya shaqsi leh dan gaar ah bedelkii danta guud ee beelaha ay magacooda ku joogaaan iyo tan Soomaaliyeed la safan lahaayeen.

 

Idale News ONLINE “INO” Muqdisho