Safiirka Midowga Yurub ee Somalia oo maanta Muqdisho tagey lana kulmey Madaxweyne Xasan

0
227

Madaxweynaha dowlada  Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Midowga Yurub ay u soo magacaawday dalka Soomaaliya.

Kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh La qaatay ambasadorka cusub ee midawga Yurub u qabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada Qaranka waxaana  goob joog ka ahaa  xubna ka socday midowga yurub iyo madaxda dalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Xaamud Cali Maasheeye oo kulanka markii uu dhamaaday warbaahinta la hadlay waxa uuna sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya  ay uga wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen.

Michal Caravan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ugu horayntii shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay isbadelada ka dhacay dalka iyo madaxda cusub ee la doortay waxa uuna  tilmaamay in midowga Yurub ay ka go’an tahay in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya kala dhexeya midowga Yurub.

Kulankaan ayaa wuxuu imaanayaa xili maalmmihii ugu danbeeyay madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo la qaadanayay xubno kala duwan oo ka socday wadamada Beesha caalamka.

Idale News Muqdisho