Muqdisho(INO)— Safiirka cusub ee dowladda UK u magacawday Soomaaliya ee aan wali waraaqadaha aqoonsiga laga guddoomin ayaa bilaabay in sifo aan sharci aheyn inuu ku howl galo.
David William Concar ayaa magacaabistiisa timid maalmihii ugu dambeeyay ee xukunka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Safaaradda Ingiriiska oo ku dhex taalla Xarunta Xalane oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ayuu ka bilaabay kulamo uu ku qaabilayo ururada bulshada iyo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee aan wali laga guddoomin waraaqihiisa aqoonsiga ee danjirnimo.
Dhowaan ayay aheyd markii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka dalbaday safiirada Beesha Caalamka inay ilaaliyaan madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.
Waa Safiirkii ugu horeeyay ee shisheeye oo ka tallaaba xeerka diblomaasiyada, ka howl gowl bilaabay dal isaga oo aan la aqbalin