Djibouti (INO) – Safarka John Kerry ee Bariga Africa ayaa ku Saleysan la Dagaallanka Kooxda Al-shabaab, keddib Weerarro tixane ah oo ay Shabaabku ku qaadeen Dalka Kenya iyo dalal kale oo ay ka mid tahay Uganda.
Dalalka Deriska ah Ciidamada Dowladda Mareykanka iyo kuwa Africa ayaa Shabaab kula Dagaallami doona Dalka Gudihiisa, si ay ugu yaraan uga Baaqsadaan in ay dalalka kale Weerarro ka Fuliyaan.
Waxaa si Cad loogu qeexay qoraal kasoo Baxay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka MaalintII Khamiista in Safarkiisa uu ku tegayo Dalalka Jabuuti iyo Kenya uu la Xiriiri doono la Dagaallanka Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Socdaalka Mr. Kerry si toos ah looga Fariisan doono la Dagaallanka Shabaabka Al-qacidda loo Diiwaan geliyay iyo Kooxo kale oo ka Jira Dalalka Bariga Africa.
“Farriinteenu waa in aan la Dagaallano Argagixisada, kaliya maahan Dhanka Ammaanka ee waxaa kale oo jira in Deegaanka iyo Siyaasadda ay dowladda Mareykanku ka Taageereyso Waddamada Bariga Africa” ayaa lagu yiri Hadalka Saraakiisha.
Labaduba, Kenya iyo Djibouti waxaa ay Wadaan Dadaallo ay meesha uga Saarayaan Shabaab, Labadubana waxaa ay Weerarro kala Kulmeen Shabaab.
Idale News Online -Washibgton