Muqdisho ( INO)-Safiirka Waddanka Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay ka gaabiyeen in ay ka qeyb qaataan xasilinta dagaaladii ka dhacay Baladweyne.
Dayib Dubad Rooble ayaa xusay in Ciidanka Jabuuti ay ka soo dhalaaleen kaalintii kaga aadaneed joojinta dagaaladaasi isagoo sheegay in ay kala dhex galeen Maleeshiyadii ku dagaalameysay gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Safiirka ayaa tilmaamay in markii ay Baladweyne dagaalada ka bilowdeen in Ciidamada AMISOM ay kala dhex galeen beelaha walaalaha ah ee diririyay.
Isagoo sii wata hadalkiisa Dayib Dubad Rooble Safiirka dowladda Jabuuti u qaabilsan dalkan Soomaaliya ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay u dhego nugul yihiin awaamiirta kaga yimaada maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa ay shaqaaqo ka aloosneed Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan walow la sheegay in hadda xal laga gaaray.
Idale News Online, Muqdisho