Safaarada Soomaaliya ee Nairobi oo eedeysey Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan

0
199

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey ku eedeysey Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu ku howlan yahay dhismaha maamul goboleed ka dhan ah dowlada federaalka Soomaaliya.

Cabdisitaar Xasan Cali oo ka tirsan xog-hayeyaasha safaarada Somalia ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuna hadlaayey magaca dowlada Somalia ayaa isaga oo la hadlaayey saxaafada maxaliga ee magaalada Muqdisho  sheegay in ay la socdaan shirarka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar ka mid ah xildhibaanada barlamaanka ay ka wadaan Nairobi.

Dhageyso wareysiga C/sataar Xasan Cali, Xog-haye ka tirsan safaarada Somalia ee dalka Kenya

Masuulkaas u hadley safaarada Somalia ee Nairobi kana soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa sidoo kale sheegey in Shariif Xasan in la kulmey gudoomiyaha Jabhada Raaskambooni Sheekh Axmed Madoobe oo isna ku sugan magaalada Nairobi.

Ma jiro wax cadeyn ah oo ay safaarada Soomaaliyeed ee Nairobi eedayntaas u hayso iyo kulanka ay sheegtey inuu dhex marey Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Axmed Madoobe.

Af-hayeenkii hore ee barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dad badani aaminsan yihiin inuu yahay siyaasi galgal badan taasoo shaki badan ku abuurta kooxda diidan siyaasadiisa.

Idale News Muqdisho