Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Maleysia Ayaa ka Hadashey Waxii U Qabsoomey.

0
216

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Malaysia oo wareysi siiyay idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay safaaradooda waxii ka dambeeyay marki ay xilkaasi la wareegeen muddo iminka laga joogo bil iyo bar.

Safaarada Soomaalida  Ee dalka Maleysia

Jabriil Maxamed Cismaan, qunsulka safaarada Soomaaliya ee dalka Malaysia ayaa sheegay inay ku guuleysteen arimo dhowr ah oo ay kamid tahay in safaarada ay ka rareen halkii markii hore ay ku howlgali jirtay.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay isla shaqeyn wacan ay kala dhaxeeyso safaadaraha kale ee ajaaniibta eek u yaala magaalada caasimada u ah dalka Malaysia ee Kuala Lumpur sida uu sheegay qunsulka.

Jabriil Maxamed Cismaan, ayaa sidoo kale waraysiga uu siiyay idaacada Risaala wuxuu ku sheegay inay ka warqabaan ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u jooga dalkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu wada shaqeyn buuxda ka dalbaday Soomaalida ku dhaqan dalkaasi si horumar looga gaaro guulaha safaarada Soomaaliya ee Malaysia ay hiigsaneyso.

Idale News Online, Maleysia.