Washington (INO)—Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Mareykanka, Axmed Cawad ayaa uga digay Dowladda Kenya xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Boqolaalka Kun oo Ruux.
Danjire Axmed Cawad ayaa ka dalbaday Dowladda Kenya in ay ka fiirsato go’aanka ay albaabada ku xireyso Xeryaha Dhadhaab oo qiyaas ahaan 100Km dhanka waqooyi bari uga beegan Magaalada Gaarisa.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu cod dheer ku sheegay xeritaanka Xeryaha Dhadhaab in ay dhaawaci karto Xiriiir ka dhaxeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.
Danjire Axmed ayaa sidoo kale waxuu ugu baaqay Kenya u hogaasamida baaqyada kala duwan ee ka imaanaya beesha Caalamka iyo sidoo kale Hay’addaha u ololeeya Xuquuqul Insaanka.
Sikastaba, Kenya ayaa weli ku adkeysaneysa Xeritaamka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, maadaama ay ku micneysay xeritaanka Dhadhaab mid lagu sugi karo amaanka Dalkeeda.
Idale News Online, Washington