Tahran(INO)—Safaarada Britain ee magaalada Tehran caasimada dalka Iran ayaa dib loo furay maanta kadib markii ay xirneyd muddo ku dhow afar sano iyadoo labada dal ay ka heshiiyeen khilaaf hore u soo kala dhex galay.
Xoghayaha arrimaha dibada Britain Philip Hammond ayaa ka qeybgalay xaflad lagu qabtay magaalada Tehran iyadoo ay ka soo qeybgaleen diblumaasiyiin u dhalatay dalka Iran iyadoo dowlada Iran dib ugaga furtay safaaradii ay ku lahayd magaalada London.
Safarada UK ayaa la xiray sanadkii 2011 kadib markii dad mudaaharaadayay ay weerareen safaarada iyagoo ka cabanayay cunoqabatayn la saaray dalkooda.
Mr Hammond ayaa noqday xoghaye arrime dibadeedkii ka socda UK oo booqda dalka Iran tan iyo sanadkii 2003.
Dib u furista safaarada ayaa ku soo beegantay kadib markii xukuumada Iran heshiis ku saabsan arrimaha nukliyerka la gaartay lixda dal ee caalamka ugu awooda badan.
Xoghayaha arrimaha dibada Britain Mr Hammond ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani in uu isbedel ka sameeyay siyaasada dalkiisa.
Safaarada dib loo furay ayaa ku bilaabanaysa heer aan ahayn safiir buuxda waxaana loo magacaabay in uu wakiil ugaga sii noqdo dalka Britain Ajay Sharma waxaana la filayaa in bilaha soo socda la gaarsiiyo heer safiir.
Wafdi ganacsato ka kooban ayaa kamid ahaa xubnihii la safray Mr Hammond waxaana lagu wadaa in labada dal ay dhowaan ka wadahadlaan sidii loo abuuri lahaa fursado ganacsi mustaqbalka.
Idale News Online, Tahran