Saddaxda Ilmo Sheekh oo hadda ku wada sugan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

0
228

Madaxda ugu sareysa ee dalka, ayaa waxay xilligaan ku wada sugan yihiin Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku lee yihiin kulan ay la qaadanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxda iyo Xildhibaanadu waxay baroordiiq u samaynayaan dadkii lagu dilay, laguna dhaawacay weerarkii Xoogaga Shabaab 24-kii May ka geysteen Xarunta Golaha Shacabka.

Madaxda Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay khudbado ka wada jeedinayaan fadhiga maanta, ee Xildhibaanada Baarlamaanka kula lee yihiin Xarunta Golaha Shacabka.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxay Madaxda Dowladda Somaliya u jeedin doonaan fikradahooda ku aadan, sidii loo xoojin lahaa ammaanka Xarunta Golaha Shacabka.

Saraakiil iyo boqolaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay maanta xoojiyeen ammaanka Xarunta Golaha Shacabka, oo ay weli ku sugan yihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab, ayaa waxay toddobaadkii hore ku hanjabtay in ay xoojin doonto weerarada ay ka fulineyso Xarumaha Dowladda Soomaaliya, ku lee dahay Magaalada Muqdisho.

madaxda-somali

Idale News Online, Muqdisho.