RW,oo sheegay in Xukuumaddiisa ay fulineyso qodobadii lagu xaliyay mooshinka

0
206

Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in xukuumadiisa ay fulin doonto qodobadii lagu heshiiyay ee lagu maareeyay mooshinkii laga keenay Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ka hadlayay goobtii lagu soo afjaray mooshinkii laga keenay Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Guddoonka Baarlamaanka, qaabkii uu u maareeyay mooshinka.

“Waa u mahad celinayaa arrintii uu soo jeediyay Guddoonka Baarlamaanka, anaga ka xukuumad ahaan waa fulineynaa qodobada lagu heshiiyay, waxaana balan qaadeynaa in wasaaradaha ay quseyso ay fulinayaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasiirada Xukuumadda ay dib ugu celin doonaan heshiiskaas Baarlamaanka wixii ka qabsoomay.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in dib loo soo celin doono dhamaan hantidii dowladda ee la iibsaday ama la bixiyay wixii ka dambeeyay 1990, waxaana qodobkan loo arkaa mid aad u xasaasi ahaa oo ahaa mid bulshada hadal heysay.

Sidoo kale qodobka kale ee muhiimka ahaa waxaa ka mid ah dib u eegis lagu sameeyo magacaabista Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Dadka odorasa siyaasada ayaa macna ahaan qeexaya in qodobada qaar ee heshiiska laga soo saaray ay si maldahan ugu qeexan tahay qiyaano qaran, marka loo eego qodobada lagu heshiiyay oo loo arko mid ku socota Madaxweynaha.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here