RW,Jabuuti oo Maanta ka Hadlay Rabshadihii Shalay ka dhacay Magaalada Jabuuti

0
205

Jabuuti (INO) — War-saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska RW dalka Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa looga hadlay rabshidihii ka dhashay shalay xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti.

Qoraalka ayaa lagu xusay in rabshadihii shalay dhacay ay ahaayeen kuwo lagu doonayo in carqalad lagu geliyo ammaanka dalka Jabuuti, iyadoo lagu sheegay war-saxaafadeedka inay soo abaabuleen rabshadahaas kooxo xagjiriin ah oo ka tirsan mucaaradka dalka Jabuuti.

Sidoo kale, bayaanka kasoo baxay xafiiska RW Jabuuti ayaa lagu sheegay inay rabshadihii shalay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo aan lagu xusin tirada dadka labada dhinac kaga dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.

Bayaanka ayaa waxaa kaloo lagu xusay in dadkii dibadbaxyadan soo abaabulay aysan tixgelin war-saxaafadeed uu horay u soo saaray xafiiska RW Jabuuto oo ahaa in muddo laba bilood ah aan la qaban karin muddo laba bilood ah si looga hortago inay dhibaatooyin amni-xumo dhacaan.

War-saxaafadeedkii hore ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu soo rogay Jabuuti inaan muddo laba bilood ah la qaban karin wax isku soo baxyo ah; kaddib markii ay dhaceen weerarradii ay kooxo hubeysan ku qaadeen bishii hore caasimadda dalka Faransiiska ee Paris iyo caasimadda dalka Mali ee Bumako.

“Haddaba… kooxihii soo abaabulay rabshadahan khasaaraha dhaliyay waxay ahaayeen kuwo doonayay inay qalqal-geliyaan amniga dalka Jabuuti,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska RW dalka Jabuuti.

Dhanka kale, wararka laga helayo Jabuuti ayaa xaqiijinaya in rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Jabuuti ay ku dhinteen 37-qof oo shacab u badnaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaa in dadkii dhaawacyadu ay shalay kasoo gaareen rabshadihii magaalada Jabuuti ka dhacay uu ku jiro wasiirkii hore ee arrimaha Diinta iyo Owqaafta ee Jabuuti, Xaamud Cabdi Suldaan iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jabuuti.

Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa dhankooda shalay ku eedeeyay dhibaatadii ka dhacday Jabuuti ciidamada dowladda oo ay sheegeen inay weerareen shacab dhiganayay xus lana laayay, iyagoo xusay inay rabshadahaas ku dhinteen 19-qof oo shacab ah.

Ugu dabmeyn, xaaladda magaalada Jabuuti ayaa maanta deggen iyadoo ay sidii caadiga ahaa u socdaan gaadiidka, ganacsigana dib loo furay, isla markaana ay booliiska Jabuuti nadiifiyeen goobihii ay shalay rabshaduhu ka dhaceen oo dhan.

Idale News Online, Jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here