Muqdisho-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa sheegay in Xukumadiisa wado Qorshe Maamul loo dhan yahay oo loogu dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.
C/wali Sheikh Axmed Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud islamarkaana la mideenayo Maamulada halkaas ka jira.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa intaa ku daray hadalkiisa, in Qorshaha Maamulka loogu dhisayo Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya uu gabo gabo marayo,oo ay dhawaan soo Afjarayaan.
C/wali Shikh Axmed oo ah Nin Qabiili ah oo aan waligiis ku tilaabsan wax dan u ah Bulshadda Soomaaliyeed ayaa hadalkiisa waxaa laga dhadhansaday inuu Hurinayo Fidno hor leh iyo Coolaado u ku abuuro Bulshadda wada degta G/dhexe.
Mudoyinkaan danbe waxaa socday Dadaalo ay wadeen Siyaasiin ka soo jeeda Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ,kuwaas oo waday Qorshe maamul Goboleed loogu sameenayo Gobolada Dhexe ee Dalka. C/walina waxuu doonayaa inuu ka hortago Figrad ku saleysan Rabitaanka Bulshada. Bal Fiirsha oo u kuurgala Fidnadda u ka wado Maamulaka Shabeele State, bal Fiirsha su u Carqaladeeynayo Maamulka 6 Gobol oo ku yimid kuna dhismay Rabitaanka Bulshoweynta Digil iyo Firifle.
Sidaas daraadeed, R/wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed wax ma dhiso ee waa Cagaf-Cagaf loo keensaday in Wadanka Soomaaliya lagu Burburiyo.
Idale News Online, Muqdisho.