Muqdisho:RW Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inaan marnaba loo dulqaadan doonin in ciidamo ka tirsan Dowladda ay dhibaato u geystaan shacbiga, isagoo qeybaha bulshadana ku boorriyay inay wadashaqeyn wanaagsan la yeeshaan ciidamada.
Dr. C/weli Sheekh Axmed R/wasaaraha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in ciidamadu ay dadka dhibaateeyaan, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaasi.
“Ciidanka looma dirin ineey dadka dhibaateeyaan ee waxaa loo diray iney dadka la shaqeeyaan oo ay dadka soo dhaweeyaan maanta waajibaadka aan siineyno wasaarad kasta waxaan ugu tala galnay xataa masiibo haddeey dhacdo iney dadka u gargaaraan oo ay garabka ku qaadaan, ciidanki aan sidaa ugu talagalnay ayaa la leeyahay dadkibuu dhibaateynayaa arintaasna uma dulqaadan doonno’’ ayuu yiri R/wasaare C/weli Sheekh Axmed.
R/wasaaraha ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay arrintaasi, wuxuuna sheegay inuu wax ka qabandoono isagoo hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la soo celiyo kalsoonidii u dhaxeysay shacabka iyo ciidamada.
Dr. C/weli R/wasaaraha dalka ayaa tilmaamay iney diyaar yihiin ineey wax ka qabtaan arrintaasi, wuxuuse dalbaday in ra’yi iyo talooyin ku wajahan arrintaasi lagu biiriyo si ciidanku u noqdo mid u gargaara dadka oo leh akhlaaq wanaagsan.
Idale News Online, Muqdisho.