RW Soomaaliya “Nabad diidku waxay doonay inay xasuuqaan dadka u soo dalxiis taga Beerta Nabadda”

0
209

Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa cambaareeyay qaraxyadii xalay ka dhacay agagaarka Taalada SYL iyo Beerta Nabadda, isagoo ku tilmaamay fal argagixiso oo ka baxsan dhaqanka Islaamka.

War saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, waxaana uu Alle ugu baryay kuwa dhaawacmay uu Alle caafimaad deg deg ah siiyo.

“Falkan Argixisada waxaa loo adeegsaday baabuur kuwa xamuulka ah oo isku dayay inuu ka gudbo bar koontarool ciidamada ku sugnaayeen, ciidamada ayaana hor-istaagay baabuurkaas”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay doonayeen inay xasuuqaan dadka rayidka ah kuwooda ugu nugul ee u soo dalxiis taga Beerta Nabadda (Peace Garden), halkaasoo ay ku nastaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed waqtiyada ay jaaniska leeyihiin.

“Falalka noocaan ah waa kuwo lagu argagax galinayo shacabka, laguna hor istaagayo daganaanshaha iyo horumarka dalka, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay meel uga soo wada jeestaan bahalnimada aragagaxisada, Daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan, ma ahan ficil raad ku leh anshaxa diinta islaamka, waana fal cadownimo, oo lala beegsanayo shacabkeena, waana dhaqan aan la aqbali karin”ayuu yuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaataha ayaa ku amaanay dhiiranaanta ay muujiyeen ciidamada ammaanka ee ka hortagay in qaraxaasi uu gaaro bartii cadawga la damacsanaa, wuxuuna ugu baaqay Hay’adaha amniga inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, baaritaana ku sameeyaan dhacdadaas.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here