RW Somalia oo Markii Ugu Horeysay Qaaday Talaabo Uu ku Muujinayo Awoodiisa

0
209

Muqdisho(INO)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee isugu jirta xil ka qaadis iyo magacaabis, iyadoo xilka uu ka qaaday Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/salaam Salwe.

Wareegto ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiskiisa, waxaana xilkan loo magacaabay Maxamed Keynaan oo horay u ahaa Afhayeenkii Guddiga doorashada heer federal.

C/salaam Salwe oo xilkan horay u ahaa, isla markaana uu u magacaabay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista, iyo ninka loo magacaabay xilkan.

Mr Keynaan ayaa horay La Taliye u ahaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay saaxib dhow yihiin.

Madaxda Soomaalida ayaa caado u ah marka ay xilalka la wareegaan inay durbaba magacaabaan xubnaha la shaqeynaya ama howl wadeenada xafiiskooda.

Ugu dambeyntii, Xilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre magacaabo, maalin kaddib markii uu codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka, xafiiskana kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay