Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa gaaray Dalka Sacuudiga isaga iyo xubno kamid ah Dowladda Soomaaliya.
Faarax Shirdoon iyo wafdigiisa ayaa ka dagay Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Arabia iyadoo masuuliyiin ka tirsan dalkaasi ay si qurux badan ugu soo dhaweeyeen Ra’iisul Wasaaraha Garoonka.
Soo dhaweyn kadib Saacid waxaa loo galbiyay aqalka Madaxtooyada dalka Sacuudi Carabiya halkaasi oo uu xalay ku hooyday,iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya halkaasi uu kulamo kala duwan kula qaato Madaxda dalka Sacuudiga.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tan iyo markii lasoo magacaabay safaradiisa dibada ay ahaayeen kuwa aad ukooban,iyadoo iminka dalka sacuudiga uu utagay arimo shaqo oo la xiriira labada dal.
Majirto faah-faahin intaasi ka baxsan oo ku aadan safarka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Sacuudi Carabiya.
Idale News Muqdisho