Daawo:RW ku xigeenka Xukuumada Somalia oo u Ambabaxay ka Qayb-galka shirka Shaqaalaha Adduunka

0
250

Muqdisho(INO) — Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay Dalka dibaddiisa, isagoo magaalada Nairoib ee dalka Kenya kulammo kula qaadan doono deeq-bixiyayaasha caalamka, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Geneva oo uga qayb-gali doono shirkii 104-aad ee Shaqaalaha Adduunka.

Magaalada Nairobi ayuu RW ku xigeenku barri kulmi doonaa deeq-bixiyeyaasha caalamka ee taageera Soomaaliya, wuxuuna warbixin ka siinayaa horumarka ay samaysay dowladda Somalia iyo warbixinno ku aadan meelaha mudnaanta u leh in laga caawiyo.

“Waxaan doonaynaa inaan caalamka la wadaagno Gaabiska ku yimid barnaamijkii Somalia loosoo marinayay deeqaha ee New Deal, kaasoo aan u qabsoomin sidii loo baahnaa, waxaa kaloo deeq bixiyayaasha Caalamka uga Warbixinaya meelaha dowladda Soomaaliya u leh mudnaanta oo u baahan in laga caawiyo iyo meelaha aan doonayno in mustaqbalka nalaga taageero,” ayuu yiri Carte.

Sidoo kale, RW ku xigeenka ayaa Magaalada Geneva ee waddanka Switzerland uga qayb-galaya shirka 104-aad ee Shaqaalaha Adduunka, Shirkaas ayaa waxaa looga hadalyaa sidii ay u noqon lahaayeen shirkadaha yar-yar iyo kuwa meel dhexaadka ah wax-soo saarna leh, lana yimaada shaqo abuur iyo ilaalinta shaqaalaha dunida ; iyadoo dabagal lagu samaynayo cahdigii Ururka Shaqaalaha Aduunka (ILO) ee la saxiixay Sannadkii 2008-dii.

Ugu dambeyn, shirka Shaqaalaha Adduunka ee Sannadkan ayaa waxaa ka qayb-galaya 185 dowladood oo xubno ka haa Ururka ILO, waxaana Sannad kasta la qabtaa horaanta Bisha Juun.

sawiro (1)sawiro (2)sawiro (3)

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here