Kampala: R/wasaaraha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Kambaala ee xaruunta dalka Uganda ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan madaxda dowladda Uganda.
R/wasaarahe Dr. C/weli Sheekh Axmed iyo wafdigiisa oo xalay fiidkii gaaray magaalada Kambala islamarkaana si diirran loogu soo dhaweeyay halkaasi ayaa maanta lagu wadaa iney kulamo la yeeshaan madaxda wadanka Uganda.
Wafdiga uu hogaaminayo R/wasaaraha ayaa lagu filayaa iney maanta la kulmaan mas’uuliyiinta dalkaasi, waxeyna ka wadahadlidoonaan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi ay labada dowladood ka yeeshaan dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo arrimo kale.
Booqashada R/wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku joogaan Kambala ayaa noqoneysa lugtii Afaraad safar ay ku kala bixinayaan wadamada deriska la ah Soomaaliya.
Idale News Online, kampala, Uganda.