Muqdisho(INO) Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre ayaa maanta la kulmay safiirka Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar.
Labada dhinaca waxaa ay ka wada hadleen xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada dowladdood, sida Khayre uu sheegay.
Mudane, Xasan Ali Khayre, ayaa la kulmay David Concar, maalin ka dib markii loo magacaabay Raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Dowladda England ayaa dhawaan waxaa ay 100 Milyan oo Geni ugu deeqay Soomaalida si wax looga qabto dhibaatada abaaraha ee ka jira Soomaaliya.
Raisalwasaare Xasan Khayre, ayaa marka ay ansixiyaan Barlamaanka Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumadiisa.
Dhinaca kale, Dibadbax lagu taagerayo Raisulwasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa manta waxaa uu maanta ka dhacay Taalada Daljirka-Dahsan ee magaaladda Muqdishu.
Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana kasoo qeyb-galay duqa magaaladda Muqdishu, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaano iyo odaydhaqameedyo.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay taageersanyihiin madaxweynaha go’aanka uu ku doortay Xasan Cali Khayre.