Muqdisho(INO)-Warar Hoose oo Idale News Online heshay ayaa waxay sheegayaan in RW Cumar C/rashiid uu qorsheynayo inuu isku-dhaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada aan Qibradda Siyaasadeed lahayn, isagoo sidoo kale raba inuu magacaabo Xubno cusub.
Isku-shaandeynta ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato Wasaaraddo hadda magacaaban, kuwaasi oo la isku bedeli doono, sababtoo ah Beelo qaar ayaa codsaday inay loo bedelo Wasiiradda la siiyay oo ay ku tilmaameen inaysan ku qalmin.
Wasiiro isku hayay Dhowr Wasaaradooda, ayaa lakala qaadi doonaa, si loo balaariyo Tirada Wasiiradda kahor inta aanan Xukuumadda Aqoonta & Tayada yar la horgeyn Golaha Shacabka billlowga Todobaadka soo socda.
Isku-shaandeyntan ma noqon doonto tii ugu danbeysay, waxa uu RW C/rashiid sameyn doonaa Bilooyin kadib Isku-shaandheyn kale, si Wasiiradda Kooxda Damu-Jadiid ee la diiday dib looga sooo celiyo Saaxadda Talada dalka.
Qorshaha degsan ee RW Cumar C/rashiid & Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ah in hadda Baarlamaanka la horgeeyo Wajiyo Cusub si Codkooda Kalsoonia loo helo, kadibna Wasiiraddii la diiday dib loogu soo daro, iyadoo Xilalka laga qaadi doono Wasiiro Magac-u-yeel ah oo loo keensaday Booska ii sii haay.
Idale News Online Muqdisho