RW, CCC Sharma’arke Oo Sheegay War Farxad U Ah Soomaalida Kenya

0
190

Muqdisho(INO)-Cumar Cabdirashaiid Cali Sharma’arke Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maalintii shalay kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib safaro uu kusoo maray wadamada Kenya iyo Ethiopia ayaa sheegay in dawladda kenya ay ka wada hadleen sidii dib loogu furi lahaa xawaaladaha Soomaalida ee Xayiraadda lagusoo rogay, isagoo rajjo fiican ka muujiyay in dib ay u hawl gali doonaaan xawaaladuhu oo ay shaqadooda bilaabi doonaan.

“Waxaan u muujinay in adeega xawaaladuhu ay ku tiirsan yihiin nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaas oo ku nool lacagaha ehelkoodu uga soo diraan dibadda. Waxaana kala hadalnay dowladda Kenya in dib loo furo Xawaaladaha, waxana rajeynaynaa in todobaadyada soo socda dib u howlgeli doonaan, iyagoo waafaqsan shuruucda ay  ku shaqeeyaan Bangiyadu.” ayuu yidhi Raysal Wasaare Sharmarke.

dhanka kale Raysal Wasaaruhu waxaa uu xusay in soo celinta qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xeryaha ku yaala wadanka Kenya, ay masuuliyiinta dalkaasi kawada hadleen sida ugu haboon ee loo soo  celin karo,iyadoo la raacayo heshiisyada iyo qawaaniinta caalamiga ah ee qaxootiga, waxaana uu  intaasi ku daray in hay’adda UNHCR,dawladda Soomaaliya iyo Kenya ay kawada Shaqayn doonaan fulinta hawshaasi.

dadka Soomaalida ah ee ku nool kenya iyo Soomaaliya ayaa dareemay saamaynta ay ku leeyihiin xawaaladaha ay dawladda kenya xayiraadda kusoo rogtay iyo sidoo kale arrinta soo celinta qaxootiga ku sugan xeyaha dhadhaab ee ku yaala dalka Kenya.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here