RW CCC Sharma’arke Oo Qiray Arrin Ka Dhex Dhacday Xubnaha Madashada

0
461

Muqdisho (INO) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Calia ayaa ka hadlay war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka Madasha ee looga doodaayay arrimaha Gobolka Banaadir iyo doorashada dalka.

Sharmaarke waxa uu sheegay in kulanka madasha uu ahaa mid ka duwanaa kulamidii hore waxa uuna tilmaamay in kulankaani uu ku sigtay fashil.

Waxa uu farta ku goday in Hogaamiyayaasha maamulada dalka ay si cad uga biya diideen in shirka uu kusoo dhamaado sidii loogu tallo galay waxa uuna Sharmaarke sheegay in Hogaamiyayaasha ay si gaar ah u diideen qodobka Gobolka Banaadir lagu gaarsiinaayo aqalka sare.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale sheegay in haddii aan la faragalin laheyn dooda madasha uu shirka qaadan lahaa muddo bil ku dhow balse iyaga oo eegaya doorashada ay dadajiyeen dooda madasha.

Ra’isul wasaaraha waxa uu sheegay in qodobada 14-ka ka kooban uu ahaan doono kuwa lagu shaqeyn doono inta Dowlada cusub laga soo dooran doono, waxa uuna bidhaamiyay in maalinba maalinta xigta ay wax qurxin doonaan.

Geesta kale, Sharmaarke ayaa Hogaamiyayaasha Gobolada ugu baaqay inay adkeeyaan qodobada lagu heshiiyay.

Idale News Online,Muqdisho