RW CCC Sharmaarke & Hailemariam oo Kawada Hadlay 3 Qodob Oo Xasaasi Ah

0
356
Addis (INO)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku kulmay Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Kulanka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Aqalka dalka Ethiopia looga arrimiyo, waxa ayna labada mas’uul wada hadalkooda diirada ku saaren Seddex qodob oo kala ah Doorashooyinka, Amniga iyo Horumarka Somalia.

Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa dhigiisa u sheegay in Ethiopia ay u dhabar adeegeyso Somalia, waxa uuna carab dhabay inay diyaar la yihiin wax waliba oo ay Somalia ku hanaqaadeyso.

Hailemariam waxa uu sheegay in Somalia ay ka taageeri doonaan dhinac waliba oo guul ay Somalia uga gaari karto lasoo laabashada Amniga iyo Horumarka waxa uuna sidoo kale sheegay inay ka qeybqaadan doonaan doorashada Somalia.

Hailemariam waxa uu sidoo kale dhigiisa Somalia u ballanqaaday inay ka taageeri doonaan sida dib loogu dhisi lahaa Awoodda ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed si ay u Suuro-gasho inay sugaan Amaanka guud ee dalka Somalia.

Hailemariam waxa uu sidoo kale xusay in Ethiopia ay ka go’an tahay inay ka caawiso Somalia wixii ay u baahan yihiin oo ay awoodaan, si dalka iyo weliba ciidamada loogu sameeyo dib u dhis dhameystiran.

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia, Cumar C/rashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa ku ammaanay Ethiopia kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka maleeshiyaadka Al-shabaab oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida.

Sharmaarke waxa uu sheegay in dowlada Ethiopia ay kaga mahadcelinayaan sida wacan oo ay juhdiga ugu bixinayaan Somalia oo amni iyo xasilooni ay ka jirto.

Dhanka kale, waxa uu Sharmaarke soo dhaweeyay ballanqaadyada uu kala kulmay dhigiisa Ethiopia waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inay ka faa’iideysan doonaan dadaalada dalka Ethiopia.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.