RW Cabdi weli Oo Ciidamada Amniga Ku Bogaadiyay Hubkii Ay Xalay Soo Qabteen.

0
185

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hub aad u badan oo ciidamada amnigu ku soo qabteen howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir.

Goobtii lagu soo bandhigayay hubka oo isla xalay ka dhacday xarunta hey’adda Nabadsugida Qaranka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka amniga Qaranka iyo R/wasaaraha dalka.

Maxamed Yuusuf Cismaan oo ah Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu horreyn R/wasaaraha u Sharaxay qaabkii ay ciidamada amaanku u soo qabteen hubkan oo loo waday Dagaalyahnada Al-shabaab

Qaliif Ereg Wasiirka amniga Qaranka ayaa sheegay in hey’adaha sirdoonku soo gudbiyeen xogta hubkan islamarkaana ay ciidamadu caawa ku guuleysteen iney gacanka kusoo dhigan hubkan la shaagay in loo waday Al shabaab.

Hubkani waa hubkii lagu gumaadi jiray shacabka Soomaaliyeed oo kooxaha nabad diidka ah ay adeegsan jireen islmarkaana dad wax magarad ah inta laga iibiyo u gudbin jiray argagixisada, hubkani wuxuu ahaa mid hey’adaha sirdoonku ay ku daba jireen islamarkaana, iyadoo aan dhibaato ka dhicin caawa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo.” Ayuu yiri wasiirka amniga Qaranka.

R/wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada amniga howlgalkan ay kusoo qabteen caawa hubkan faraha badan, isagoo xusay in howlgalkani uu sii socondoono tan iyo inta laga xaqiijinayo nabadgelyada dalka.

Waxaan u bogaadinayaa ciidamada amniga oo dadaalkoodu keenay in dhabarka laga jebiyo cadowga, hubka intaa la egna laga soo qabto, aad iyo aadbaan ugu hambalyeeyneynaa wasiirka wasaaradda amniga, ciidamada amniga iyo taliyayaashoodaba, howshanu waa howl dhaxalgala, waxaan rajeynayaa in howshani ay sii socoto ilaa la gaaro in magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa kale ummadda Soomaaliyeed ay si cabsi la’aan ah ugu noolaadaan.” Sidaasi waxaa yiri R/wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed.

Xubkan ayaa xalay la soo qabtey kadib dagaal ay la galeen Ciidamada Nabad sugida Ilaaladii Guriga Xubka KU jiray oo uu Deganaa Sirkaal Ka tirsan Dowlada Sida Ay sheegayaan Dad lagu Kalsoonaan Karo.

Rw

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo Janaay.