R/W Abdiweli Shiikh Ahmed “Hadalka Mr, Kay waan soo dhaweynayaa, waana u hiil dowladnimada Soomaaliya ee isbaarada loo dhiganayo”

0
206

Ra’iisul wasaare Abdiweli Sheekh Ahmed ayaa waxaa uu soo dhaweeyey hadalkii shalay kasoo yeeray wakiilka UN u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Kay kaasi oo ahaa inuu aad uga walaacsan yahay khilaafka Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha oo sii ballaarta iyo laaluush lagu bixinayo in xukuumada la rido.

Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed ayaa beesha caalamka uga mahadceliyey dadaalka ay ugu jiraan had iyo jeer xal u helida dalka Soomaaliya iyo sidii lagu heli lahaa dowlad adeg oo lugaheeda isku taagta. Waxaana uu sheegay inay beesha caalamka dalka Soomaaliya u fidisay gurmad dhinackasta leh oo mudan in laga garaabo.

“Beesha caalamka waxaan uga mahadcelinayaa dadaalkeeda ay ku dooneyso inay dowladeena taabagasho. Maxaa yeelay maal iyo waqti intaba waa inoo hureen”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed.

RW.Cabdiwali

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha inuu yahay mid dhib ku haya howlaha xukuumadda oo ay sugayaan meel marinta barnaamijyo badan, taasi oo uu sheegay in beesha caalamka ay gar ku tahay inay ka walaacaan dib u dhac inuu ku yimaado howlahaasi iyo waqtiga inoo harsanba.

“Mr, Kay iyo beesha caalamka waan la dareemayaa culeyska ay ku heysto khilaafka aniga iyo Madaxweynaha inoo dhexeeya, waxaana qabaa in hadalkiisa ay wax badan ku qaadan doonaan Xildhibaanada sharafta leh iyo dhammaan cidkasta oo dowladnimadeena bilowga ah dani ka heyso” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed.

Isagoona iska fogeeyey wararka ay warbaahinta qaar qoreen ee ah inuu hadalka Mr, Kay kasoo horjeedo oo ay arrintaasi shir ku saabsan uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Idale News Muqdisho