Allep-(INO)- Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Ruushka ayaa markale bilaabay duqeynta ay ku wadaan Bariga magaalada Aleppo (Xalab), halkaasi oo la filayo in dhawaan ay duulaano horleh ku qaadaan ciidamada dowlada Siiriya.
Duqeyntan ayaa timid kadib markii muddo ku dhaw hal bil hakad la geliyey duqeynta dhanka cirka ah ee magaalada Aleppo.
Xukuumada Siiriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday inay magaalada Aleppo ku daadiso waraaqo loogu digayo shacabka, sidoo kale telefonada gacanta ayaa dadka loo dirayey fariimo hanjabaad ah oo sheegaya in shacabka magaalada isaga baxo ama u diyaar garoobaan inay halkaasi ku dhintaan.
Qaramada Midoobay ayaa horey digniin uga soo saartay xaalada magaalada Aleppo oo ay ka jirto cunto yari, waxaana gebi ahaan la burburiyey xarumihii caafimaadka iyo waxbarashada.
Ruushka ayaa maraakiib dagaal oo uu ku jiro midka diyaaradaha xambaara geeyey bada dalka Siiriya, kuwaasi oo gacan siin doona ciidamadii horey uga joogay wadankaasi Siiri