Degmada Luuq ee gobalka Gedo iyo deegaano hoostaga degmadaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay ka da’een roob ay ku diirsadeyn dadka iyo duunyada halkaasi ku nool.
Deeganada roobka uu ka da’ay ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid ahaayeen meelihii ugu darnaa ee abaarta ka jirtay, waxaana u riyaaqay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Idale News Online in ay aad uga faa’ideysteen roobkii da’ay dadka shacabka ahaa ee mudada badan oomanaa.
Ugu Dambeytii Gobolka Gedo, waxaa ka jiraa Abaar taasoo saameysey dadka & xoolaha nool.
Idale News Online, Gedo