Xaflad xil wareejin ah ayaa maanta waxaa ey ka dhacdey xafiiskii Reysulwasaarihii hore halkaan oo uu xilka ugu wareejinaayey ra’iisul wasaaraha cusub, C/weli Sh. Axmed Maxamed.
Xafladda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ahaa reysulwasaarihii xilkiisa dhamaadey Cabdi Farax shirdoon, Madaxweynaha dowlada federalka Xasan Sheekh maxamud dhammaan wasiirradii xukuumaddii hore iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamka DF ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha xilka wareejinayay, Cabdi Saacid oo ugu horreyn hadal ka jeediya munaasabadda ayaa sheegay in 15 bilood ka hor uu goobtan maanta munaasabaddu ka dhacaysay uu sidan oo kale xilka kagala wareegay C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ahaa ra’iisul wasaarihii Xukuumadii KMG-ka ahayd, xilkuna yahay meerto, uuna maanta ku faraxsan yahay inuu ku wareejiyo, C/weli Sheekh Axmad Maxamed oo ay saaxiibbo dhow ahaayeen muddo 30 sano ah.
waxaa kaloo goobta ka hadlay ra’iisul wasaaraha xilka la wareegay Cabdiweli Sheekh Axmad isagoo tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo si dimuqraaddi ah xilka kula kala wareegaysa, wuxuuna ku tilmaamay biseyl siyaasadeed iyo horumar dhinaca siyaasadeed ah oo uu dalku ku tallaabsaday.
Sidoo kale, C/weli Sheekh ayaa u mahad-naqay ra’iisul wasaare hore, Saacid iyo golihiisii wasiirada wuxuuna caddeeyey in howlo badan ay qabteen, inta hartayna ay dhameystiri doonaan isaga iyo xukuumadda uu soo dhisi doono.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda ayaa ammaan iyo mahad-naq u jeediyay Saacid iyo dhammaan golihiisii wasiirrada isagoo ku ammaanay waxqabadkoodii halkii sano ee ay xafiiska joogeen.
waxa dhaaan la filayaa in Ra’isul wassarah cusub ee soomaaliya oo dhiso xukuumad tayo leh,taasi ku saleysan athay aboog qiibsiga 5ta- beelood ee soomaaliya.
Idale News Online, Modhishu