RASMI: Heshiis Hordhac Ah Oo Laga Gaaray Iibsashada AC Milan – Rossoneri Oo Ka Baxeysa Gacanta Berlusconi.

0
288

Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in heshiis hordhac ah laga gaaray iibsashada kooxda iyadoo ay iibsadeen maalgeliyayaal Shiinees ah oo ka duwan kuwii lala xiriirinayay bilihii u danbeeyay iibsashada Rossoneri.

Sida ku xusan warbixinta ay Rossoneri soo saartay waxaa kooxda lagu qiimeeyay 740 milyan euro iyadoo milkiilaha cusub Yohong Li ay ku waajib ku tahay inuu bixiyo deynta kooxda lagu leeyahay oo gaareysa 220 milyan euro islamarkaana uu maalgashi 350 milyan euro ah ku sameysto kooxda San Siro ka dhisan seddexda sanno ee soo socota.

Mid ka mid ah sharuudaha heshiiska ayaana ah in lacagtaas 350ka milyan euro ee lagu maalgelinayo kooxda in 100 milyan euro oo ka mid ah in haatan si kaash ah meel looga dhigo milkiilayaasha cusub.

cropped-ac-milan-logo-wallpaper

Iyadoo 15 milyan euro la bixinayo marka heshiiska la saxiixo iyadoo 85ta milyan euro kale la bixinayo 35 maalmood ka dib marka qandaraaska la saxiixo.

“Mr Silvio Berlusconi, gudoomiyaha AC Milan ayaa ansixiyay heshiiska hordhac aah oo uu saxiixay Danillo Pellegrini madaxa guud ee shirkada Fininves iyo Mr Han Li oo wakiil ka ah maalgeliyayaasha Shiineeska ah, waxaana ay la wareegayaan saamiga kooxda ee ay shirkada Fininvest ay ku leedahay AC Milan oo u dhiganta 99.93 boqolkiiba” ayaa lagu yiri warbixin ay AC Milan soo saartay.

Heshiiska waxaa la dhameystiri doonaa sida ay AC Milan sheegtay dhamaadka sannadkaan 2016.

 Waxaa Qoray: Saed Balaleti